larger image
Title: KOORA DADAB: CISHQI IYO COLAAD
Written by: Axmed Maxamed Cabdi-Kulumbo
Illustrated by: Amin Amir

$25.00(paperback)

KOORA DADAB: CISHQI IYO COLAAD waa sheeko run ah oo dhacday badhtamihii qarnigii ka horeeey Daraawiishta. Dhammaan dadka ku xusani waa dad jirey oo la yaqaano iyaga tafiirtoodiiba.

Waxay sheekadu ka kooban tahay guud ahaan laba qaybood oo waaweyn, tan hore oo ah colaad dhexmartay laba beelood oo ood iyo ab wadaag ahaa, tan labaadna waa jacayl dhex maray dhalinyaro labadaas beelood ka mid ahayd.

Sheekadani waxay xambaarsan tahay nuxur aad u balladhan oo ah taariikh dhab ah, suugaan aad u wacan, hiddihii iyo dhaqankii Soomaaliyeed oo dhan walba ah. Waxaad ka heli doontaa dhacdooyin yaab leh oo xaqiiqo ah lehna faa'iidooyin badan.

Sidoo kale waxaad ka heli doontaa lixdaneeyo gabay, boqollaal maahmaahood, heeso noocyo kala duwan ah, halxidhaalayaal badan, sarbeebo iyo murti aan la soo koobi karin.