LABA-QARAX GUUR


larger image
Title: LABA-QARAX GUUR
Written by: Adam S. Abdi
$15.95(paperback)

Read this page in English

Laba-qarax Guur waa sheeko qoraagu hal abuuray kuna koobay xaalad dhib badan, guur dumay, kalgacal la genbiyey, dareen kulul , hadal ku digasho leh iyo damaq jacayl. Waxaa la yiri, “laba geed kala qarisay, geerina kala qarisay.” laba is jeclaa haday kala durkaan dadka wax magaradka ah ee xumaha ka shaqeeya way u sahlantahay in ay kala furfuraan kalana faquuqaan qalbiyo ama wadnayaal is weheshada oo isku guntan wacadna ku maray inay meel ku wada hoydaan, islana qaaybsadaan noloshu macaan iyo qaraar mid ka ay ku soorto.

Ciise waa wiil hanaan wanaagiisa iyo hub qaadkiisa hablo badani ku haasaaween. Wax badan ayey habluhu yiraahdeen gabadhii wiilkaa heshaa cawo iyo nasiib leh! Ciise markuu hanaqaaday ayuu dadaal aan yarayn u galay siduu u hanan lahaa Ifraax oo gabadh lagu mesaalaa yartahay quruxda iyo dadnimada Eebbe hibada u siiyey.

Ifraax markii ay Ciise gacantiisa soo gashay oo ay noqotay marwadii uu nolosha iyo naftaba la qaybsaday, talana ku goostay in uu la negaado intuu nool yahay ayey Ifraax si sahal ah hebeen nin kale ugu guursatay cariga Maraykanka.

Ifraax waxay adhaxda ka jebisey la maanaheedii sida hagar la'aanta ah nafta iyo niyadaba ugu hibeeyey, jacayl waxay u qabtayna ku xoortay moolka bad weynta Atlaantiga. Meherkii xalaasha ahaa ee qaraabo dhow iyo mid dheerba goob jooga ka ahaayeen waxay ku bedeshey wax ay dhoodhoobtay oo ay ku sheegtay “meher!” Bulshadda Soomaaliyeed inteeda badanina maanta u yaqaanaan "laba-qarax".

Ciise markuu ogaaday in Ifraax labaqaraxday oo ay isaga ka dal doorsatay waxay arrintu ku noqotay fajiciso iyo filanwaa! warkuna wuxuu uga dhignaa Ciise hooto ama waran nin xoog iyo dhugmo badni isku darsaday uu wadnaha jiridiisa kaga halgaadey si arxandaro leh.

Laba-qarax Guur ayaa ah sheeko qurux iyo qiimo isku darsatay ee bal aan eegno hanjabka iyo hagardaamada Ciise haleeshay, iyo boqono goynta iyo Axdi iyo balan ka baxa Ifraax.


Read this page in English